U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Cadale: 5 Qof Ayaa Dhimatay, Waxaan Dalbaneynaa Gacan

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya deegaanka Cadale ayaa sheegay in saaka ilaa 5 macalin lagu dilay halkaasi siyaabo la xiriira aano qabiil.

Muuse Ganey, oo ah guddoomiyaha Cadale oo goordhow la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in dhacadada ay ka dhacday meel u dhow Raace Ceelle, isla markaana dadka dhintay gaarayaan ilaa 5 qof.

“Mashaakil dhici jiray waaye, xogta waa maqli doonaa waa qabyo, arrin waa nagu badatay, waan ogaan doonaa, koley dad shicib waayey, dagaal beeleed waaye, dowlad ma aha, aano qabiil ayaan tuhunsanahay” sidaasi waxaa yiri Muuse Ganey.

Dhanka kale, guddoomiye Muuse Ganey ayaa intaa raaciyey in lagu dhex jiro “Labada dhinac saraakiishooda iyo odeyashooda waa isla joogaan, macal dowlad goboleedka waa isla hadalany, annaga hadda ayaan u soconaa”.

Guddoomiyaha Cadale Muuse waxaa uu ka hadlay in dhacdooyinka noocan ah ay ku bateen deegaanka, isaga oo ka codsaday dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedka Hirshabelle iney gacan ka geystaan.

Goobjoog News