U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Cusub Ee Baarlamaanka Puntland Oo La Doortay

Sheeko:Amniga

Magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa maanta waxaa ka dhacday doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, kadib markii bishan 7-deedii ay xildhibaannada Puntland eryeen guddoomiyahoodii C/xakiin Dhoobo Daareed.

Doorashada maanta ayaa ka dhacday xarunta baarlamaanka Puntland, waxaana ku tartamay Saddex musharrax, kuwaasi oo kala ah:

1- Xildhibaan C/rashiid Yuusuf Jibriil

2- Xildhibaan Cali Axmed Saalax

3- Xildhibaan Cabdijamaal Cismaan Maxamed

Musharraxiinta kala ah Xildhibaan C/rashiid Yuusuf Jibriil oo 34 cod helay iyo Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed oo isna helay 17 cod ayaa usoo gudbay wareegga Labaad.

Ugu dambeyn, xildhibaannada Puntland ayaa guddoomiye u doortay Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo helay 46 Cod halka Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed  uu helay 17 Cod.

Guddoomiye Jibriil waxaa horyaalla shaqooyin aad u badan, isaga oo maalmaha soo aaddan la filayo in xilka si rasmi ah uu ula wareeggo.

Goobjoog News