U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Cusub Ee Gobalka Hiiraan Oo La Kulmay Hay’adaha Samafalka Ee Ka Howlgala Gobalka

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha Cusub ee maamulka gobolka Hiiraan Cali Muxumed Caraalle ayaa Maanta Xafiiskiisa waxaa uu kula kulmay Hay’daha ka howlgalla deegaanada gobolkaasi Hiiraan.

Kulanka ayaa ahaa mid ay isku baranayeen guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan & Mas’uuliyiinta hay’adaha ka howlgalla gobolka  iyo sida ay u wada Shaqeyn karaan.

 Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Muxumed Caraalle ayaa sheegay in Hay’adaha uu kala sidii ay u caawin lahaayeen dadka danyarta ah ee ku nool gobolka Hiiraan gaar ahaan kuwa ka barakacay dagaal beeleedyadii ka dhacay degmada Matabaan.

Dhanka kale waxaa uu sheegay in hay’adaha samafalak ay adeegyo wanaagsan u hayaan Shacabka gobolka Hiiraan,isla markaana ka maamul ahaan ay la Shaqeyn doonaan, waxa uuna kula dardaarmay in ay sii laba jibaaraan shaqada ay u hayaan bulshada gobalka Hiiraan.

Ugu danbeyn qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Hay’adaha uu la kulmay guddoomiyaha  ayaa dhankooda waxaa ay balan qaadeen inay si huufan ugu adeegi doonaan shacabka ku dhaqan deegaanada gobolka Hiiraan ee Maamulka Hir-Shabeelle.

Goobjoog News