U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Cusub Ee Gobolka Banaadir oo Baaqii Ugu Horeeyay u Diray Shacabka Caasimadda

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Yuusuf Xuseen Jimcaale( Madaale) ayaa war kasoo saaray xilka uu u magacaabay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, isaga oo qoraal uu soo galiyay bartiisa Facebook uu kaga mahadceliyay xilka uu u  magacaabay madaxweyne Xasan.

“Walaalayaal waxaa inoo balan ah inaan dib usoo celino hindisihii weynaa ee “Hal doolar dalkaada ku dhiso” Ee aan jidadka magaalada ku dhisnay iyo midkii ahaa “Saaxiib hagaaji hortaada” oo aan kusoo celineynay nadaafada iyo bilicda caasimadda Muqdisho” ayuu  yiri guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Madaale.

Guddoomiye Yuusuf Xuseen Madaale oo wooraalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay shacabka caasimadda in loo istoogo baadi goobka maqaamka caasimadda “waxaa intaas dheer inaan ka dhabeyno rajadiinii eheyd inaan helno maqaamka magaalada muqdisho oo shacabkeedu is doortaan hadduu uu alle yiraahdo iyo metelaad Gobalka Banaadir” ayuu yiri.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta  guddooomiyaha gobolka waxaa u magacaabay Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale, isaga oo badeli doono Cumar Filish, waxaana horyaalla waxaabo badan oo laga rabo gobolka sida bilicda caasimadda iyo maareynta biyaha xilli roobaadyada oo ay shacabku dhib ku qabaan.

Goobjoog News