U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Cusub Ee Hiiraan Iyo Guddiga Amniga Gobolkaasi Oo Kulmay

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo guddiga amniga ee gobolkaasi ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Kulankaan ayaa looga hadlayey amniga guud ee gobolka iyo sidii isbedal degdeg ah loogu sameyn lahaa.

Waxa si wadajir ah guddoomiyaha iyo guddiga ay u booqdeen saldhiggii ciidamada Jabuuti ee 25-kii bishan lagu qaadey weerarka Ismiidaaminta ah.

S/guuto Cumar Aadan Dhabad oo ah gudoomiyaha guddiga amniga gobolka Hiiraan ayaa ugu horreyn halkaasi ka hadlay, wuxuuna tacsi u diray dhammaan ehlada dadkii ku dhintay qaraxaasi.

Wuxuu sheegay guddoomiyaha in isbedal amni oo degdeg ah la sameynayo maalmaha soo aaddan guud ahaan gobolka Hiiraan, islamarkaana dhammaan deegaannada ay soo faarujiyeen ciidanka Itoobiya la geyn doono ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo isna goobta hadal ka jeediyey ayaa ballanqaadey markii uu la wareego xafiiska in shaqada ugu horreyso ee uu qaban doono tahay isbedal amni oo gobolka Hiiraan ka hirgala.

Guddoomiye Jeyte ayaa guddiga amniga u ballanqaadey wada shaqeyn dhab ah,  iyo in la gaaro amni sugan oo Hiiraan ah.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka Hirshabelle ayaa lagu magacaabey guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan iyo sidoo kale xubnaha guddiga amniga ee gobolkaasi.

Goobjoog News