U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Deegaanka Leego Oo Ku Dhaawacmay Qarax Ka Dhacay Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar qarax ah iyo dagaal ka dhacay gobolka Shabellaha Hoose, gaar ahaan duleedka deegaanka Leego ee gobolka Shabellaha Hoose halkaasi oo waxyeello ay kasoo gaartay guddoomiyaha deegaankaasi.

Cabdullaahi Gaashaan oo ah guddoomiye ku xigeenka Leego ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News in guddoomiyaha deegaankaasi Abuukar C/laahi Isaaq uu ku dhaawacmay qarax lala eegtay gaari uu saarnaa.

Qaraxaasi waxaa xigay dagaal ay rag ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen gaadiidka guddoomiyaha la socday.

“Iyaga oo Leego kusoo dhow ayaa gaarigii ay saarnaayeen qarax lala eegtay, guddoomiyaha xaalad ahaan waa uu roonyahay inkastoo dhaawac uu soo gaaray” ayuu yiri Gaashaan.

Dhanka kale Al-shabaab waxay sheegteen mas’uuliyadda weerarkaasi kadib qoraallo ay soo dhigeen baraha ay internetka ku leeyihiin.

Goobjoog News