U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Degmada Baraawe Oo Ku Dhaawacmay Qarax Ka Dhacay Xafiiskiisa

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha degmada Baraawe ee gobolka Shabellada Hoose Xasan Barre Maxamed ayaa maanta ku dhaawacmay qarax Miino oo la sheegay inuu ka dhacay gudaha xafiiskiisa.

Gudoomiyaha ayaa damacsanaa inuu xilligaasi xafiiskiisa galo, hase ahaatee markii uu albaabka furay ayaa la sheegay in uu qaraxa dhacay.

Xuseen Barre, gudoomiyaha degmada Baraawe oo Goobjoog News qadka taleefanka ugu warramay waxa uu sheegay in xaaladdiisa ay wanaagsan tahay, kaliyana uu dhaawaca kasoo gaaray gacanta Midig.

Sidoo kale waxa uu sheegay gudoomiyaha in ciidamada ammaanka ay wadaan howlgallo lagu ogaanayo cidda qaraxaasi ka dambeysay isaga oo xusay in hadda uu si caadi ah shaqadiisa usii wadanayo.

Ma jirto cid lagu soo qabtay howlgallada uu sheegay gudoomiyaha in ciidamada ammaanka ay ka wadaan degmada Baraawe, hase ahaatee mararka qaar degmada Baraawe waxaa sidaan oo kale uga dhaca qaraxyo.

Goobjoog News