U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Degmada Cadalle Oo Ku Dhaawacmay Qarax Miino

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan  in qarax Miino oo ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar uu ku dhaawacmay guddoomiyahii degmada Cadalle Maxamed Muuse iyo Labo kamid ah ilaladiisa.

Guddoomiyaha ayaa ka amba baxay degmada Balcad, hase ahaatee markii uu marayey deegaanka Garsaale ayaa la sheegay in gaarigiisa ay haleeshay miino dhulka ku aasneyd.

Dhaawaca guddoomiyaha oo inta uu la egyahay weli aan la shaacin, maadaama qaraxa uu habeenkii xalay ahaa dhacay ayaa waxaa la geyay isbitaalka degmada Jowhar.

Maalmahan dambe waxaa wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar kusoo batay qaraxyada iyo weerarada lala eeganayo ciidamada iyo mas’uliyiinta Hirshabelle ka tirsan.

Goobjoog News