U bood dhigaalka

Guddoomiyaha degmada warta nabada oo ka tacsiyeeyay wiil AMISOM ay ku jiirtay xaafada Xararyaale

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha degmada Warta nabada Yaasiin Nuur Ciise oo Goobjoog FM u waramay ayaa sheegay in Ciimada AMISOM ay wiil ku jiireen xaafada Xararyaale kadibna ay ka dhaqaaqeen goobta asagoo sheegay in sababo ammaan awgeed ay u istaagi waayeen.

“waxaa maanta dhacay shil wiil yar oo 10 jir ahaa ayaa gaari AMISOM jiiray gawaaariniina ma istaagin, dadweynihiina halkaas ayay bannaan bax ka sameeyeen Xaqiiqdii AMISOM-na ma istaagi karto sababo ammaan awgood wadooyinka qaar wax kasta ayaa dhici kara” ayuu yiri guddoomiye Yaasiin

Waxaa uu sheegay Mr Yaasiin in dadkii bannaanbaxa dhigayay ay la kulmeen ayna dajiyeen sidoo kalena ay u tageen waalidiintii wiilka yar dhalay ugana tacsiyeeyeen geerida cunugooda asagoona sidoo kale sheegay in ay duugtana kala soo qayb qaateen.

“Aabihii dhalay, hooyadiis iyo ciddii dhammaan waan u tagnay waan usoo tacsiyeynay duugtiina waan kasoo qayb qaadanay” ayuu yiri Guddoomiyuhu

Wuxuu intaas raaciyay in ay baaritaan sameeyeen ayagoo kaashanaya maamulka gobolka Benaadir iyo ciidamada Baliiska ee degmada ayna ogaadeen in Ciidamada AMISOM ay falka gaysteen waliba qaybta Baliiska dadkana wuxuu ugu qaabay inay is dajiyaan.

Ciidamada Amisom ayaa waxay sidaan oo kale hore u jiireen dad shacab ah wadooyinka muqdisho ayadoo ciidamadu aysan u istaagin taasoo ka caraysiisa dadka shacabka ah keentana inay bannaanbaxyo sameeyaan