U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Degmada Xamar Weyne oo Faahfaahin Ka Bixiyey Weerarkii Xildhibaanka Lagu Qaaday

Sheeko:Dalka

Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir oo ah guddoomiyaha degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir ayaa Goobjoog oga warbixiyey sidii ay wax u dhaceen maanta markii ay degmadaasi kooxo hubeysan ku weerareen xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa sheegey in rag hubeysan oo watay gaari ay rasaas huwiyeen gaari kale oo uu saarnaa xildhibaan iyo xildhibaan hore oo meel taagnaa, wuxuu sheegey in halkaasi uu ku dhintey xildhibaan hore Liibaan Cabdullaahi Weheliye, darawalkii iyo nin kale oo saarnaa, sidoo kalena lagu dhaawacay xildhibaan hadda shaqeeya Mayoow Mustafa.

Waxa uu guddoomiyaha sheegey in ciidamada amniga degmada ay eryadeen kooxihii falka geystey, illaa hadana ku dabo maqanyihiin.

Wararka ay Goobjoog heleyso ayaa sheegaya in birmadka lagu baacsadey ciidamada ay sidoo kale ka dhasheen qasaarooyin kale oo dhimasho ah oo soo gaaray ciidamadii eryanayay kadib markii kooxaha ay fureen rasaas.

Dhageyso

Goobjoog News