U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Degmada Xamarjabab Oo Shaqada Laga Joojiyey

Sheeko:Dalka

Warar ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in shaqada laga joojiyey guddoomiyaha degmada Xamarjabab ee gobolka Banaadir Ismaaciil Mukhtaar Cumar.

Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in sababta ay tahay kadib markii uu warbaahinta u ogolaaday iney duubtaan qaraxii 4-tii April ka dhacay agagaarka dugsiga tababarka booliiska ee Gen. Kaahiye.

Lama oga inuu baartitaan socdo arrinkan la xiriira iyo in kale balse hey’adaha amniga ayaa dhowaan sheegay in warbaahinta aan loo ogolaan doonin iney horay ka tagaan goobaha qaraxa.

Ismaaciil Mukhtaar Cumar waxaa uu xilka la wareegay Janaayo 8, waxaa uuna meesha jooga 3 bil.

Goobjoog News