U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Doorashada Galmudug: Ahlu Sunna Waxaa Lagula Heshiiyey Saammi, Doorasho Hufanna Waan Qaban

Sheeko:Dalka

Iyada oo Galmudug ay ku jirto maalmo doorasho ayey Goobjoog News wareysi gaar ah la yeelatay guddoomiyaha guddiga doorashada Galmudug Cabdinaasir Geelle Cilmi, innaga oo hordhignay walaacyada jira ee laga qabo madaxbannaanida guddiga, heshiiska Ahlu-sunna, odeyaal la badalay iyo sida ay ugu socon karaan jadwalka cusub.

Ugu horreyntii waxaan Cabdinaasir Geelle weydiinney in dhammaan beelaha heshiis ku yihiin wax socda iyo in kale isaga oo ku jawaabay “ Aniga 2 bil ayaan joogaa halkan, dhib badan ma arkin, cabashadii beelaha ee hore sida Saleebaan, Sacad ama xataa Ahlu-sunna, dhammaan waa la xaliyey, waana laga soo gudbay, hadda waxaa lagu mideysan yahay in maamul loo dhanyahay loo dhiso Galmudug”.

Mar aan kala hadalnay sida loogu kalsoonaan karo ka guddi ahaan iyo in aaney dowladda federaalka ah adeegsan waxaa uu yiri “Aniga cid gaar ah la iiguma tiriyo, markii la ii magacaabayey mucaaradka oo dhan raalli ayey ka ahaayeen, weliba waxba isma badalin, waxaan qaban doonnaa doorasho hufan, xalaal ah, oo madaxbannaan”.

Waa sidee saammiga ay Ahlu-sunna ku leeyihiin beelaha waxaa uu uga jawaabay “ Ahlu-sunna waad ogtahay waxaa lagula heshiiyey 20 xildhibaan, waxaa ay ku qaadan doonnaan heshiis la ogyahay, oo ah in beesha leh 8 xildhibaan wax ka yar ay ka qaadan karaan hal xildhibaan, beesha leh 8-12 xildhibaanna waxaa ay qaadan karaan labo xildhibaan halka beesha leh 15 xildhibaan ay 3 xildhibaan ka qaadan karaan”.

Cabdinaasir Geelle Cilmi waxaa weydiiney, ma jiraa in la badalay qaar ka tirsan odeyaashii saxiixayaasha beelaha Galmudug 2015-kii, wuxuuna ku jawaabay “ Odeyaasha saxiixayaasha waxaa ay ahaayeen 46, waxa la badalay waa 4 keliya, 3 Murusade ah iyo hal Sheekhaal ah, inta kale wax la taabtay ma jiraan, iyaga ayaana hadda shaqeeya”.

Ugu dambeyntii, waxaan guddoomiyaha guddiga doorashada Galmudug Cabdinaasir Geelle Cilmi su’aalnay sida loogu kalsoonaan karo inuu ku shaqeynayo jadwalka doorasho ee cusub waxaa uu ka yiri “Haa, midkan cusub waan ku shaqeyn doonnaa inshaa-allaah, caqabadna kama jirto” ayuu ku soo koobay.

Waxaa Wareystay: Cabdi Caziz Gurbiye,