U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Oo Isbitaalka Madiina Ku Booqday Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxyadii SYL

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa maanta isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho waxa uu ku booqday qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay SYL.

Waxa uu guddoomiyaha Bukaannadaasi gaarsiiyey deeq lacageed oo ka maamul ahaan ugu tala galeyn dadkaasi.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cabdifitaax Xalane oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in guddoomiyaha uu u muujiyay bukaannadii uu ku booqday Isbitaalka Madiina dareen murugo leh, una baryey caafimaad degdeg ah.

26-kii bishii tagtay ee Febraayo 2016 ayaa qaraxyo Ismiidaamin ah iyo sidoo kale weerar toos ah waxay Al-shabaab ku qaadeen Hotelka SYL oo ku dhaw taallada SYL ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi waxyeello kasoo gaartay dad u badan shacab.

Goobjoog News