U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo Sheegay in Dad uu Garanayo ay Muqdisho ugu Geeriyoodeen Coronavirus

Sheeko:Caafimaadka

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa sheegay in cudurka Coronavirus uu dalka soo gaaray waxa uuna tilmaamay in dad uu garanayo ay xanuunka u geeriyoodeen kuwaas oo uu shaaciyay inaysan ka imaan dibadda oo ay ku ku sugnaayeen dalka.

Waxa uu hoosta ka xariiqay guddoomiyaha in dadkaas u geeriyooday COVID-19 qaarkood la aasay halka qaarka kalane aan wali la aasin sida uu hadalka u dhigay, waxa uuna yiri “Cudurkaas waa uu soo gaaray dalka dad badan ayaa u ila daran qaarna wey u dhinteen aan anigu garanayo oo aan dibad ka imaan oo dalkooda jooga ayaa ku dhintay oo qaar hadda la aasay qaarna aan wali la aasin”

Dhanka kale guddoomiyaha ayaa ka dhawaajiyay halista uu leeyahay cudurkaan isaga oo sheegay in si fudud loo kala qaadi karo cudurkaan, waxa uuna bulshada ugu baaqay in ay qaataan tallooyinka caafimaad ee loo jeedinayo.

“Arrintaas waa arrin halis ah si fududna loo kala qaadi karo sidaa darted talloyinka la didin siinayo waa in sida uu yahay loo qaato” ayuu hadalkiisa ku sii daray duqa Muqdisho Cumar Filish.

Wasaaradda caafimaadka ayaa shalay sheegtay in muwaadin Soomaaliyeed oo aan dibad ka imaan oo 58-sanno jira ahaa uu magaalada Muqdisho ugu geeriyooday xanuunka COVID-19, waxaana korortay tirade guud ee Corona ee laga diiwaan galiyay Soomaaliya taas oo gaartay 12 kiis.

Goobjoog News