U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Degmada Maxaas

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Maxaas ee gobolkaasi, halkaasi oo lagu soo dhaweeyay.

Wafdigan ayaa ka ambabaxay deegaanka Moqokori oo dhawaan safar shaqo ay ku tageen, haatanna ay kormeerayaan degmada Maxaas.

Waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa wafdigan kusoo dhaweeyay degmada Maxaas, waxaana ulajeedka socodkaan yahay u kuur gelidda xaaladda abaareed ee ka jira bariga Hiiraan iyo amniga guud ee deegaannadaasi.

Guddoomiye Dabageed ayaa la filayaa in uu la kulmo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Maxaas, waxaana warbixinno uu ka dhageysan doonaa Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News