U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Oo KaSoo Horjeestay Shirka Jowhar

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Dabageed ayaa dib ugu laabtay maanta oo arbaco ah magaalada Baladweyne ee xarunta gobalkaasi.

Yuusuf Dabageed ayaa ka hadlay safarka uu kaga soo laabtay magaalada Muqdisho wuxuuna sheegay in howlo shaqo uu u joogay Muqdisho.

Intaas kadib ayuu soo hadal qaaday shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo uu dhaliilay qaabka loo wado howsha maamul dhisidda.

“Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe sida ay u socoto waa qalad, sababtoo ah dowladdu waxaa cabasho ka ahaa odayaasha iyo bulshada balse hadda aniga xataa way igu tixgelin weysay, mana la igu soo wargelin in shirka lagu wareejiyay urur goboleedka IGAD” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Dhanka kale, wuxuu sheegay guddoomiyaha Hiiraan in uu taageersan yahay go’aanka qaar kamid ah ugaasyada reer Hiiraan maalin dhoweyd ay ka sheegeen magaalada Baladweyne oo ahaa in aysan ka qeyb galaynin maamul usameynta labada gobol ee dariska ahi.

Hadalka ka soo baxay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar ayaa ku soo aadaya iyadoo horay guddoomiyaha uu u taageersanaa maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo uu xataa darteed ugu safray magaalada Jowhar.

Qabanqaabadii ugu dambeysay ayaa ka soconaysa magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe oo la doonayo inuu ka furmo shirka maamul u sameynta labada gobol, lamana ogaan karo saameynta hadalka Yuusuf Dabageed uu ku yeelan karo shirkaasi oo horay ay uga maqnaayeen qaar kamid ah ugaasyada beelaha qaarkood.

Goobjoog News