U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Oo Lagu Eedeeyay Inuu Lunsaday Raashin Gargaar Ah

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in gargaarkii loogu talagalay shacabka gobolkaasi inaysan helin sababo la xiriira musuqmaasuq lagu sameeyay raashinkaasi.

Madaxa samafalka ee degmada Buuloburde Aadan Muxumed Xaambe ayaa ku eedeeyay in guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar inuu lunsaday raashinkii gargaarka ahaa ee loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka saboolka ahi.

Raashinkani oo gobolka Hiiraan uga yimid dowladda Turkiga ayaa uu sheegay in maalin cad suuqa Baladweyne lagu iibsaday taasna ay tahay cadaalad darro uu ku dhaqmay guddoomiyaha Hiiraan.

“Anigoo ah madaxa samafalka degmada Buuloburde waxaan warbaahinta Goobjoog u sheegayaa in dhibaato aan yareyn ay ka jirto Buuloburde, Jalalaqsi, Maxaas waxaan kaloo doonayaa inaan qalabka warbaahinta ka sheego in raashinkii gargaar ee Turkiga uu keenay Hiiraan in ay lunsadeen guddoomiyaha Hiiraan iyo ninkii qandaraaslaha ahaa” ayuu yiri madaxa samafalka Buuloburde.

Wuxuu intaas ku daray in raashinka gargaar ee loogu talagalay dhowr degaan oo Buuloburde iyo Maxaas ay ku jiraan in la lunsaday oo musuq lagu sameeyay islamarkaana dadkii shacabka ahaa ay cunayaan caleenta geedaha.

Madaxa samafalka Buuloburde Aadan Muxumed Xaambe ayaa sheegay inay arrintani u gudbiyeen wasaaradda arrimaha si wax looga qabto haseyeeshee aan waxba laga qaban.

Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo aan isku daynay inaan xiriir la sameyno si aan wax uga weydiinno eedeyntani ma aysan inoo suurtagelin, waxaana muddooyinkii dambe magaalada Baladweyne iyo degaannada jaarka la ah sida Ceeljaalle ka soconayay qeybta gurmadyo raashin u badan oo la gaarsiinayay dadka ay sida ba’an u saameeyeen fatahaadaha wabiga Shabeelle iyo colaad beeleedyo.

Goobjoog News