U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Wasiiro iyo Mas’uul Badan oo Gaaray Jowhar

Sheeko:Dalka

Weriyaha Goobjoog News ee Jowhar ayaa sheegaya in goordhaw Jowhar ay gaareen wufuud badan oo lagu wado in ay ka qeyb galaan shirka maamul loogu dhisayo Shabeelada dhexe iyo Hiiraan.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yusuf Axmed Xagar iyo 100 oday oo la socday ayaa gaaray magaalada Jowhar, waxaa la dejiyay goobtii loogu talo-galay.

Dhinaca kale waxaa Magaalo xalay ku baryey Wasiiro ay ka mid yihiin Kalumeysiga, Petroolka, Wasiiru dowlaha caafimaadka iyo Agaasimaha Wasaaradda arrimaha gudaha oo qaban-qaabada wada.

Dhinaca kale Weriyaha Goobjoog News ee Kismaayo ayaa sheegaya in madaxweynaha Galmudug iyo  Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland  ay u duulaan Jowhar si ay uga qeyb galaan furitaanka Hiiraan iyo Shabeelle.

Amaanka magaalada ayaa la adkeeyay, waxaana waddooyinka daadsan ciidamo isugu jira nabad sugid, booliis iyo Militari.

Wararka shirka kala soco Goobjoog News