U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Oo Dib Ugu Soo Laabtay Muqdisho

Sheeko:Baarlamaanka

Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa dib ugu soo laabtay maanta Muqdisho kadib safar shaqo oo ay ku tageen magaalada Sama-reeb ee xarunta Galmudug.

Guddomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Mowliid Xuseen Guhaad, Senataro, Xog-hayaha Guud ee Aqalla Sare ayaa wafdiga ku soo dhaweeyay Garoonka Adan Cabdule Cusmaan ee magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa magaalada Samapreeb uga qayb-galay munaasabada furitaanka kal-fadhiga 2-aad Baarlamaanka Galmudug, waxaana goob joog ka ahaa Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) Sanataro, Wasiiro, maamulka caasimada galmudug iyo marti-sharaf kale oo lagu casuumay.

Goobjoog News