Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Oo Kulan La Qaatay Madax ka Tirsan Qaramada Midoobay

Guddoomiyaha golaha shacabka ee BFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Pramila Patten oo ah u qeybsanaha gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha la xiriira dhinaca dembiyada jinsiga, waxaana kulanka Sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka  Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey.

Kulanka oo ay Sidoo kale ka qeyb gashay Guddoomiyaha Guddiga xuquuqul insaanka ee golaha shacabka Xildhibaan Xaawa Cabdi Axmed iyo xubno kale oo gudigaasi ka tirsan, ayaa inta uu socday kulanka waxaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya ee arrimaha la xiriira dembiyada jinsiga, waxaana xubnaha Qaramada Midoobay ka socday u faah faahiyay Guddiga xuquuqul insaanka ee golaha shacabka.

Sidoo kale Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa kulan xafiiskiisa kula qaatay Phillip oo ah madaxa ugu sareeya ee hay’ad la yiraahdo rawkins international associates, taas oo fadhigeedu u yahay Dalka Canada.

Xoghayaha guud ee golaha shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo la hadlay Warbaahinta qaranka ayaa faah faahiyay kulamadii maanta dhacay iyo waxyaabihii lagu heshiiyay.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW