U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Golaha shacabka In La Doorto Maxaa Naga Xiga

Sheeko:Dalka

Sida uu qabo xeer-hoosaadka golaha Shacabka  waa in guddoomiyaha golaha Shacabka lagu soo doortu muddo dhan 15 maalmood gudahood.

Tan iyo markii uu banneeyay xafiiska Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari maxaa u qabsoomay Xildhibaannada golaha Shacabka si loo gaaro in guddoomiye la doorto Xildhibaan maxamed Cumar Dalxa ayaa kawaramaya.

“Tan iyo Markii uu is casilay Guddoomiye Jawaari dhaqdhaqaaqa jira waxaa waaye waa nimanka doonaya in ay buuxiyaan booskiisa, waxay sameysanayaa bandhig nin walba waxaa uu muujinayaa inuu yahay musharaxa guddoomiyaha golaha Shacabka, balse ma jirto ilaa iyo hadda wax arji qabasho ah”.

Doorashada guddoomiyaha golaha Shacabka waxaa ka horeeya marka hore in la helo tartamayaal diyaar u ah in ay isku soo sharraxaan booska guddoomiyaha golaha Shacabka, waxaa ka mid ah sharuudaha lagu dooranayo qofka noqonaya guddoonka golaha Shacabka inuu ka tirsanyahay golaha Shacabka.

Xildhibaan Sagal Biixi oo ka mid ah xildhibaannada golaha shacabka ayaa sifeyneysa shakhsi ahaanta laga rabo qofka hoggaaminaya golaha Shacabka.

“Waa inuu yahay qof xamili karo hay’addaan, waa inuu awoodaa isku haynta golaha Shacabka, waa inuu hubin karaa waxsoo-saarka Baarlamaanka, waa inuu yahay qof dhiiro-gelin kara waxsoo-saarka golaha Shacabka”.

Isweydiinta waxaa ay tahay haddii waqtigeeda lagu qaban waayo doorashada sharciga maxuu ka qabaa arrintaas waxaa ka jawaabaya Abuukaate Diiriye.

“Howshaan maahan mid u baahan in dib ay u dhacdo, waxaa waaye waa howl ubaahan iyada oo dhan saddex maalmood, balse haddii ay dib u dhacdo, waxaa muhiim ah in la doorto mid ku meel gaar ah waxaana guddoomiye ku meel gaar ah noqonaya qofka ugu da’da weyn golaha Shacabka”.

Goobjoog News