U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wafdi uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Garowe

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha golaha shacabka ee BFS iyo wafdi Xildhibaano ah oo uu hogaaminayo islamarkaana ay ka mid yihiin Habdhowraha golaha shacabka Xildhibaan Sharmarke garaad suleymaan iyo Xildhibaan Samiira Xasan Cabdulle oo ah marwada Guddoomiyaha golaha shacabka oo maanta soo gaaray Magaaladda Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka puntland,waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaaladda kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha golaha wakiiladda Puntland iyo sidoo kale Xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada puntland.

Shir jaraa’id Oo ay si wadajir ah ugu qabteen qeybta nasashada ee garoonka ayaa Guddoomiyaha wakiilada ee Dowlad Goboleedka Puntland waxa uuu garoowe kusoo dhoweeeyay wafdigan.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Sidoo kale ka hadlay ujeedka socdaalka isaga iyo wafdigiisa ee Magaaladda tan garoowe Garoowe.

Wafdiga Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa mudada ay joogaan Magaaladda tan Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka puntland ayaa waxa ay kaga qeyb geli doonaan Xuska markii la aas aasay Dowlad Goboleedka Puntland iyo sidoo Kale xiritaanka fadhiga 44-aad ee golaha wakiilada Dowlad Goboleedka puntland.

Goobjoog News