U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mursal Oo Degay Degmada Wadajir, Muqdisho

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah Maxamed Mursal ayaa degay Hoteel Shabeel ee degmada Wadajir, waa Hoteel ku yaalla agargaarka Aiportiga Muqdisho.

Guddoomiye Mursal ayaa horay u deganaa Villa Uganda oo ku taalo gudaha madaxtooyada Villa Somalia, laakin waxaa muuqato inuu ka soo guuray.

Maxamed Mursal, guddoomiyaha golaha shacabka ayaa waxaa saarnaa cadaadis badan tan iyo markii uu qabtay Mooshin xilka looga qaadayo madaxweyne Farmaajo 9-kii bishan.

Lama oga, in guddoomiyaha uu sii deganaa-doono Shabeel iyo in kale.

Goobjoog News