U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Kulan La Qaatay Haweenka Ku Jira Baarlamaanka

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la qaatay guddi ka socda Xildhibaannada haweenka ah ee ku jira Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo kala hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya Baarlamaanka.

Guddoomiyaha , ayaa marka hore warbxin ka dhageystay xildhibaannadda haweenka ah iyagoo is weydaarsaday sidii haweenka tageero uga heli lahaayeen ka qeyb galka siyaasada iyo awoodsiinta. isagoo sheegay inay heli doonaan aqoon kororsi ku aaddan hanaanka sharci dejinta Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ayaa boggaadiyey howlkarnimadda ay sameynayaan haweenka Xildhibaannadda ah ee ku jira Golaha Shacabka BaarlamaankaJamhuuriyaddaFederaalkaSoomaaliya, isagoo la wadaagay inay xoojiyaan midnimada xildhibaanada haweenka ah ee ku jira Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News