U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo La Kulmay Guddiga Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha golaha shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenkiisa koowaad Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa maanta kulankii ugu horeeyay la qaatay gudiga diyaarinta ama sameynta sharciga doorashooyinka Qaranka ee uu dhawaan magacaabay, waxaana uu kala hadlay dar dar gelinta howlaha diyaarinta sharciga doorashooyinka iyo siddii Guddiga Marka hore dhexdiisa hoggaan isaga dhex dooran lahaa.

Guddoomiyaha ayaa Guddiga waxa uu faray in muddo ku siman lixdan cisho ,waxaana sharcigaan oo ay xukuumadda Federaalka Soomaaliya usoo gudbisay golaha uu muhiimad gaar ah u leeyahay doorashooyinka Dalka ka qabsoomi doona Marka la gaaro 2021-ka.

Dhinaca kale Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay qabiir ka socda Qaramada Midoobay oo qaabilsan dhinaca xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

Waxa ay ka wada hadleen dar dar gelinta wada shaqeynta xafiiska Qaramada Midoobay ee dhinaca xuquuqul Insaanka iyo golaha shacabka gaar ahaan Guddiga xuquuqul insaanka ee golaha.

Goobjoog News