U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Warbixin Ka Dhageystay Guddiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaranka

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta waxa uu magaalada Muqdisho kula kulmay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka isaga oo warbixinno ka dhageystay.

Guddigan ayaa ka warbixiyey waxyaabihii u qabsoomay Afartii Bil ee sanadkaan waxyaabihii u qabsoomay iyo waxa ay hiigsanayaan.

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa sharaxaad ka bixisay istiraatiijiyadda ay u diyaariyeen doorashada iyo sidoo kale waxyaabihii ay qabteen.

” Guddigeena howlo wanaagsan oo muhiim u ah dalka ayuu wadaa, Xisbiyada diiwaan gelintooda meel wanaagsan ayay noo mareysaa, waxaa sameysanay xafiisyo cusub si shaqooyinkeena an usii hormarino” ayay tiri Marwo Xaliimo yareey guddoomiye waxan kaa rajeyneynaa inad si hagar la’aan ah noola shaqeyn doonto, howlaha noo harsan hadaan nala garab istaagin maku guuleysan karno” Xaliimo Yarey ayaa sidaasi sheegtay.

Guddoomiye Mursal ayaa dhankiisa ku ammaanay guddigan shaqooyinka ay hayaan, isaga oo sheegay iney tahay mid adag oo u baahan dhabar adeeg.

”Xaqiiqdii shaqooyin wanaagsan ayaa heysaan, waxaan idiin ballanqaadayaa inaan si hufan idiinla shaqeynn doono, wax walbo oo aad xafiiskeyga ugu baahataan waa diyaar” ayuu yiri guddoomiyaha.

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa wada sii diyaarinta doorasho dalka ka dhacda 2021.

Goobjoog News