U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Oo Gaaray Tukaraq

Sheeko:Dalka

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa  gaaray deegaanka Tukaraq oo ay isku hor fadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.

Wafdiga waxaa ku wehliya guddoomiyaha mas’uuliyiin ka tirsan Somalilnad waxayna u tageen Tukaraq in ay soo in dheeyaan xaaladda deegaanka iyo sida uu yahay.

Guddoomiye Baashi oo ciidamada Somalilnad kula kulmay deegaanka Tukaraq ayaa waxaa uu u jeediyay hadallo dardaaran ah isagoo dhanka kale ugu baaqay Puntland in la qaato nabadda.

Tukaraq ayaa muddo 3 bilood ah waxaa ka socday dagaal u dhaxeeya Somalilnad iyo Puntland shacabkii deganaa magaalada ayaa is kaga qaxay ka dib markii ay bateen isku dhacyada u dhaxeeya labada ciidan.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada