U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Golaha Shacabka Oo La Doortay

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga doorashada guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa doortay guddoomiye, guddoomiye ku xigeen iyo xoghaye.

Guddigan oo ka kooban 15 ayaa guddoomiye u doortay xildhibaan Nuur Iidow Bayle, waxaana ku xigeen loo doortay Sahra C/qaadir Maxamed halka xoghaye loo doortay Xasan Cali Maxamed (Ammar Dambe)

Guddigan ayaa waxay isku dabaridi doonaan doorashada guddoomiyaha golaha shacabka oo maalmo un ka harsan tahay.

Kulan ay shalay xildhibaannada golaha shacabka ku yeesheen xaruntooda Muqdisho ayaa waxaa lagu magacaabay guddiga doorashada guddoomiyaha golahan.

Goobjoog News