U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Guddigii La Baxay Badbaadada Jubbaland Oo Lagu Dhaawacay Kismaayo

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dhaawac xalay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, loogu geystay Abuukaate Axmed Jaamac Qalyar, oo ahaa guddoomiyahii guddigii sheegay iney badbaadinayaan Jubbaland.

Rag ku hubeysan bistoolado ayaa la sheegay in ay dhowr xabad ku dhufteen Qalyar, waxaana soo gaaray dhaawac, iyada oo lagu dabiibayo isbitaal ku yaalla magaalada Kismaayo.

Afhayeen u hadlay wasaaradda amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in xaaladda Qalyar ay wanaagsan tahay, islamarkaana ay ku raad-joogaan ciddii dhaawiciisa ka dambeysay.

Ammaanka Kismaayo ayaa maalmahan dambe ahaa mid aad loo adkeeyey, maadaama dhowaan ay ka dhacday doorashadii madaxweynaha Jubbaland.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Goobjoog News