U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Hiiraan Oo Xilka Laga Qaaday

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar, “Yuusuf-dabageed” kadib wareegta ka soo baxday xafiiskiisa.

Madaxweynaha dowlad goboleedak Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in uu xilkii guddoomiyaha gobolka Hiiraan ka qaaday Yuusuf Axmed Hagar, isla markaana uu Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan u magacaabay Cali Jeyte Cismaan.

Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa kula dar daarmay guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan, in uu si hufan u guto waajibaadka loo idmaday, waxaana uu shacabka ka codsaday inay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan.

Goobjoog News