U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Jowhar oo gawaarida dab damiska ka dalbaday dowladda(Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Gaari cagaf ah oo ka qey qaadaneysa daminta dabkii shalay ka kacay Jowhar
Gaari cagaf ah oo ka qeyb qaadanaya daminta dabkii shalay ka kacay Jowhar

Guddoomiyaha degmada Jowhar Maxamed Amiin Xaaji Caqiil ayaa ka codsaday dowladda Federaalka Soomaaliya in la soo gaarsiiyo qalabka dab damiska si ay dadka ugu caawiyaan xilliyada uu kaco dabka.

Caqiil oo la hadlayay Goobjoog FM ayaa sheegay in maamulku uu dadaal u galay shalay dabkii ka kacay degmada Jowhar in la damiyo taasina ay waqti ku qaadatay isla markaasina ay sababtay in dabku uu sii bato maadaama aysan dab damis heli Karin.

Maxamed Amiin Xaaji Caqiil ayaa tilmaamay in shacabka gobolka Shabeellaha dhexe ay u baahanyihiin in dowladda Soomaaliya ay soo gaarsiiso qalabka dab damiska si loo adeegsado xilliyada uu dabku ka kaco degmooyinka gobolka Shabeellaha dhexe.

Dabka ayaa waxa uu burbur khasaaro u geystay kaalin shidaal iyada oo aan la aqoon waxa dhabta ah ee dhaliyay dabka iyo inta uu le’eg yahay khasaaraha guud ee uu geystay.

Hoos ka dhageyso codka Maxamed Amiin Xaaji Caqiil :