U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran oo La Kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya haatana ah guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu magaalada Muqdisho kulan kula qaatay safiirka midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Amb Nicolas Berlanga Martinez.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay qodobo dhowr ah oo quseeya xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan in madasha xisbiyada qaran aysan marnaba aqbali Karin in doorashada dalka ay noqoto mid dib u dhacda.

Sidoo kale waxaa kulankaas lagu soo hadal qaaday sidii loo ilaalin lahaa dastuurka KMG & dhowrista xuquuqda muwaadinka, waxaana safiirka lala wadaagnay sida ay dowladda dhexe ugu tumanayso shuruucda dalka.

Waxaana dhinaca kale Shariif sheikh Axmed iyo Amb Nicolas Berlanga Martinez ay isla soo hadal qaadeen sidii la isaga kaashan lahaa qatarta uu leeyahay cudurka Coronavirus oo haatan siyaabooyin kala duwan ugu sii fidaya caalamka intiisa kale.

Halkaan ka akhriso qodobada ay kawada hadleen Shariif Sheekh Axmed iyo safiirka midowga Yurub ee Soomaaliya

1- Ilaalinta dastuurka KMG & dhowrista xuquuqda muwaadinka, innaga oo la wadaagnay sida ay dowladda dhexe ugu tumanayso shuruucda dalka.

2- Aragtideenna ah in aan marna la aqbali karin dib u dhac ku yimaada doorashooyinka Qaranka 2020/21.

3- Qoondada haweenka ee golayaasha sharci dejinta ee ah 30%, innaga oo u xaqiijinnay in Madasha Xisbiyada Qaran ay saaxiibada caalamka ee Soomaaliya taageera la qabto in la ilaaliyo oo aan marnaba lagu xadgudbin.

4- Qaabka la isaga kaashan karo sida looga hortagi karo qatarta cudurka CoronaVirus oo caalamka guud ahaan dhibaato ku haya, iyo in la iska kaashado ka hortagga cudurka.

Goobjoog News