U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Mahadaay: Ciidamo Milatari Ah Ayaa Naga Soo Eryay Degmada

Sheeko:Dalka

Maamulka Degmada Mahadaay ee Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in Ciidanka Milatariga ee dowladda federaalka ay si qasab ah degmadaas uga soo saareen isaga iyo xubno kale oo maaamulkaasi ah.

Gudoomiyaha Degmadaas Cabdullaahi  Maxamed Xuseen  ayaa tilmaamay in xubnaha uu ka kooban yahay maamulkaas ay dibad joog ka yihiin degmadaasi waxaan uu sheegay in ciidanka milatariga ee dowladda federaalka ay bilaabeen in Ganacsatada ay ka qaadaan Lacago Canshuur ah oo maamulkooda aanu ka war heyn.

Waxa uu sheegay in taasi ay saameyn ku yeelatay habsami socodkii shaqada maamulka degmada Mahadaay ee Shabeellaha Dhexe, isagoo xusay in aysan jirin cid wax ka qabatay dhibaatooyinka ay ka cabanayaan.

“Ciidamo Milatari ah ayaa naga soo saaray degmada, waxay qaataan Canshuurtii, dhammaan xarumihii aan ku shaqeyneynay albaabada ayaa la isugu dhuftay, hadda waxaan ku sugannahay degmada Jowhar” ayuu yiri guddoomiyaha.

Ugu dambeyn guddoomiyaha degmada Mahadaay C/laahi Maxamed ayaa sheegay in maamulka Hirshabelle iyo kan Shabellaha Dhexe ay ka rajeynayaan iney dib ugu celiyaan degmadaasi.

Goobjoog News