U bood dhigaalka

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka oo ka hadlay is qabqabsiga ka jira garsoorka

Sheeko:War

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in xilligan aan loo baahnayn is qab-qabsiga dhinaca hay’adaha garsoorka.

Guddoomiyaha maxkamadaasi Caydiid Ilka Xanaf ayaa sheegay in dalka waqtigan uu marayo marxalad xasaasi ah.

Intaa waxa uu Ilka-Xanaf raaciyay warkiisa in wax kasta ay ku cad yihiin dastuurka, isla markaana uu kala qeexayo shaqooyinka hay’adaha dowladda.

“Xilligan looma baahna isqabqabsi dhex mara hay’adaha kala duwan ee dowladda federaalka Soomaaliya, waxaan rajeynayaa in wax walba lagu qanci doono insha’allaah.” Ayuu yiri Caydiid Ilka Xanaf oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, kadib safar caafimaad uu ku tagay dalka Kenya.

Wararka Goobjoog news