U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Midowga Africa Oo Lagu Soo Dhoweeyay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Goor dhow waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka soo gaaray wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha ururka Midowga Africa, Moussa Faki.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa guddoomiyaha iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale saraakiil ka socotay AMISOM ayaa qeyb ka ahaa soo dhoweynta guddoomiye Moussa Faki.

Warar soo baxaya waxay sheegayaan in ulajeedka uu guddoomiyaha ururuka Midowga Africa u yimid Muqdisho ay kamid tahay qiimeynta abaarta Soomaaliya, dardargelintna howlgalka AMISOM iyo arrimo kale.

Waxa uu la kulmi doonaa Mr. Faki madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo mas’uuliyiinta AMISOM.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News