U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Qoryooley “Go’doon Ayaan Ku Jirnaa, Hadii Aan Degdeg Naloogu Dhisin Buundada”

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha degmada Qoryooley ee gobalka Shabellaha Hoose, Maxamed Xaaji ayaa sheegay in degmada ay go’doon tahay ka dib markii shalay Al-shabaab ay qarxiyeen Buudada degmadaasi.

Waxa uu sheegay in aanay jirin meel ay ka baxaan, sidoo kalena ay ka helaan sahay iyo wax walba oo ay u baahdaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in degmada aysan imaan karin raashiinkii ganacsiga ah, maadaama si sahal ah looga soo tallaabin jiray degmada Qoryooley.

“Go’doon ayaan ku jirnaa, hadii aan degdeg naloogu dhisin Buundada, waxaan u baahannahay in cid walba sida hay’adaha wax dhisa, maxaa yeelay Buundadaan waa mid qiimo badan u leh shacabka, wax badanna u haysay” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Buundada degmada Qoryooley ee Shabellaha Hoose, waxaa shalay ka dhacay qarax loo adeegsaday Gaaro Dameer, iyadoo buudada ay burburtay.

Goobjoog News