U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Ku Sugan Galmudug

Sheeko:Cayaaraha

Guddoomiyaha xiririka kubbadda cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa 9-May gaaray magaalada Garoowe ee maamulka Puntland,iyagoo la kulmay mas’uuliyeenta xiriirka kubbadda cagta iyo wasaarada ciyaaraha bwaxayna labada dhinac kawada hadleen dhameystirka garoomada iyo horomarinta kubbadda cagta maamulka Puntland.

Shalay gelinkii denbi guddoomiye Cabdiqani Saciid Carab,Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed oo ah guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Xiriirka kubbadda cagta iyo Cabdullahi Cusmaan Daamey oo isna ah madaxa suuqgeenta Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug,iyagoo kormeer ku tagay garoonka Cabdullahi Ciise oo lagu wadao dayactir.

Guddiga dhismaha iyi dayactirka garoonka kubbadda cagta Cabdulahi Ciise ayaa warbixin ka siiyay madaxda xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya halka uu marayo dhismaha iyo dib u dayactirka lagu wado.

“Horay ayaan madaxda xiriirka kubbadda cagta kulamo kala duwan ula soo qaatay magaalada Muqdisho tani wax ay ka mid tahay balamihii aan soo wada glanay waxaan ka sugaynaa in aan wax badan oo horomar u ah kubbadda cagta Galmudug aan ka helino madaxda xiriirka Soomaaliyeed ” waxaa Goobjoog ugu waramay Cabdifataax Cabdullahi Warsame oo ah guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Galmudug.

“Anaga sanadkan waxaa xooga saaraynaa in aan xiriirada kubbadda cagta Maamul Goboleedyada ka taageerno dhinacyada dhismayaasha garoomada iyo kubbadda cagta iyo dhisada kooxaha heerka kala duwan ka dibna aan u tababarno macalimiinta iyo garsoorayaasha,si maamul kasta dhalinyarada ku nool ay u helaaan horomarinta kubbadda cagta Soomaaliya t”waxaa sidaas Goobjoog u sheegay Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed oo ah guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta.

Duqa degmada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Bare ayaa madaxda xiririka kubbadda cagta ka bogaadiyay howlaha ay ka qabtaan maamulka Galmudug,isagoo ku adkeeyay in ay si wanaagsan ay u fuliyaan balamaha iyo dhameestirka garoomada kubbadda cagta Galmudg.

“Waxa aan idinku nimid in aan aragno halka ay wax idin marayaan ka dibna aan idinka saacidno waxyaabaha aad u baahantihiin sida dhameysirka garoomada kubbadda cagta,aniga oo ku hadlaya magaca xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya diyaar ayaan u nahay 100% in aan idinkala shaqayno kubbadda cagta Galmudug si ay u gaarto meel aad u saraysa” waxaa sdiaa Goobjoog Sports ugu waramay guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab.

Si kastaba 2019-2021 madaxda xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya waxa ay qaateen siyaasad ah in horomarinta kubbadda cagta la gaarsiiyo dhamaan guud ahaan Soomaaliya si loo helo ciyaartooy tayo wanaagsan oo kaalin mugleh ka qaadata kobaca iyo natiijooyinka xulka qaranka dalka.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle