U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Dimuqraadiyada oo maanta Muqdisho lagu xiray

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu xiray Siyaasiga C/laahi Sheekh Xasan ka dib markii uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Siyaasigaan oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Dimuqraadiyada ayaa wuxuu ka yimid Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana lagu qabtay Garoonka gudahiisa, xilli uu ku jiray qeybta dadka Garoonka kasoo dega ay boorsooyinkkoda ku sugaan.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Cabdulaahi Sheekh Xasan ay Xireen Ciidanka Nabad Sugida qaranka kuwas oo ku sugaayey garoonka Aadan Cadde, waxaana hadda uu ku xiran yahay Godka Jilacow ee Degmada Boondheere oo xarun u ah Nabad Sugida Gobolka Banaadir.

Ilaa hada waxaan kala cadeyn sababta rasmiga ah ee ciidamada Nabadsugida ay u xireen C/laahi Sheekh Xasan, waxaana xusid mudan inuu siyaasigan si aad ah u dhaliili jiray siyaasadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Masu’uuliyiinta ammaanka ayaan weli ka hadlin sababta loo xiray Siyaasigaan.