U bood dhigaalka

Guddoomiyahii Baarlamaanka Puntland Oo Xilka Laga Qaaday

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal, ayaa waxay sheegayaan in xildhibaannada baarlamaanka ee dowlad goboleedka Puntland xilka ka qaadeen guddoomiyahoodii, C/xakiin Dhoobo Daareed, kadib mooshin ay ka keeneen.

53 Mudane ayaa soo xaadirtay kulanka maanta, waxaana shir guddoominayey guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka Puntland.

49 Mudane ayaa u codeeyey in xafiiska uu baneeyo guddoomiye Dhoobo Daareed, halka 4 xildhibaan ay ka aamuseen.

Mudanayaasha baarlamaanka Puntland qaarkood ayaa ku eedeeyey guddoomiyaha ay xilka ka qaadeen in uu sameeyey xad-gudub dhanka Dastuurka ah, islamarkaana xarunta baarlamaanka uu soo geliyey ciidamo beeleed waa sida ay hadalka u dhigeene.

Dagaal ay ku dhinteen Saddex qof ayaa xalay ka dhacay xarunta baarlamaanka Puntland, kaasi oo u dhaxeeyey ciidamo Booliis ah oo uu hoggaaminayey taliyaha Booliiska Puntlan iyo sidoo kale ciidan la sheegay in xaruntaasi uu geeyey guddoomiyaha baarlamaanka Puntland.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News