U bood dhigaalka

Guddoomiyahii Degmada Buurhakaba Oo Geeriyoodey

Sheeko:Dalka

Guddoomiyahii degmada Buurhakaba ee gobolka Baay Maxamed Nuur ayaa maanta ku geeriyoodey mid ka mid ah Isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho, kadib qarax October 15, 2016 lagula eegtay xafiiskiisa.

Xaaladda guddoomiyaha ayaa ahayd mid aad u halis ah, iyadoo dhaawacyo badan ay ku yaalleen, waxaana markii ay xaaladiisa kasii dartay loo soo qaadey magaalada Muqdisho Todobaad kahor.

Maxamed Ibraahim Cabdulle oo ah taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska ee degmada Buurhakaba ayaa warbaahinta u xaqiijiyey geerida guddoomiyaha.

“Waxaa naloo soo sheegay in guddoomiyahii degmada Buurhakaba uu geeriyoodey, waxaana uu u dhintay qarax muddo ku dhowaad bil laga joogo ku haleelay xafiiskiisa, maadaama xaaladdiisa caafimaad halkaan wax looga qaban waayey waxaa loo qaadey Muqdisho, si loogu sii qaado dalka dibadiisa balse waa uu dhintay” ayuu yiri Taliye ku xigeenka.

Ugu Dambeyn Taliyaha ayaa sheegay in Marxuum Maxamed Nuur uu ahaa shaqsi howlkar ah, islamarkaana howlo badan usoo qabtey shacabka ku dhaqan degmada Buurhakaba.

Goobjoog News