U bood dhigaalka

Guddoomiyahii Gobolka Awdal Oo Shaqo Joojin Lagu Sameeyay

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil ayaa shaqo joojin ku sameeyey guddoomiyahii gobolka Awdal ee maamulkaasi.

Wareegto uu soo saaray madaxweyne ku xigeenka ayuu ku shaaciyay sababta uu shaqada uga joojinayo guddoomiyaha.

Waxa uu sheegay madaxweyne ku xigeenka in guddoomiyaha gobolka Awdal lagu soo eedeeyay arrimo badan oo ku saabsan ka maqanaashiyaha xafiiskiisa shaqada, farogelinta arrimaha dhulalka oo aanu isagu shaqo ku lahayn iyo arrimo kale.

Halkaan hoose ka akhriso:

Goobjoog News

wareegto-1