U bood dhigaalka

Guddoomiyahii Talada Ahlu-sunna Oo Dhaliilay Madaxweyne Xaaf

Sheeko:Dalka

Guddoomiyahii talada Ahlu-sunna Waljameeca Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir ayaa ku dhaliilay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf inuu iska indho tiray dastuurkii ay ku heshiiyeen beelaha Galmudug.

Waxa uu tilmaamay Sheekh Cumar in loo baahan yahay raadinta midnimada Galmudug ee xilligaan aan loo baahneen in la kala geeyo Galmudug.

Dhanka kale, Sheekh Cumar ayaa sheegay in heshiiskii Ahl-sunna lala galay uu ahaa mid aan laga fiirsan, sababtuna wuxuu ku sheegay in qaabka wax loo dhigay aanay ahayn sidii lagu sixi lahaa waxyaabihii ka qaldanaa Galmudug.

Khilaafka ka dhaxeeya madaxda sare ee Galmudug ayaan weli xal laga gaarin, iyadoo madaxdan ku kala sugan yihiin magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News