U bood dhigaalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Gaaray Boqortooyada Sucuudi Carabiya

Sheeko:Caalamka

Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Adan Maxamed Nur Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa   gaaray magaalada Riyaad ee caasimada Boqortooyadda Sacuudi Carabiya, halkaas oo si diiran loogu soo dhoweeyay guddoomiyaha iyo wafdigiisa.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo booqasho rasmi ah Ku tagay Boqortooyadda Sacuudiga ayaa kulamo miradhal ah la qaadan doona dhigiisa dalkaas Mudane Dr Cabdullaahi bin Maxamed bin Ibraahim Aala Sheekh, iyaga oo wadaya  wadashaqeynta labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa muddooyinikii dambe waday sidii uu xiriir toos ah ula yeelan lahaa Baarlamaannada wadamada caalamka, kuwaas oo daneeya arrimaha Soomaaliya, iyada oo qeyb ka ah siyaasadda dowladda federalka ee Soomaali Heshiis ah dunida heshiis la ah.

Goobjoog News