U bood dhigaalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Kulan La Qaatay Xildhibaannada Laga Soo Doortay Koonfur Galbeed iyo Jubbaland

Sheeko:Baarlamaanka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Shiikh Aadan Maxamed Nuun Madoobe ayaa kulan gaar ah waxaa uu la qaatay  xildhibaanada degaan doorashadoodu tahay dowlad goboleedyada Koonfur galbeed iyo Jubaland, iyadoo uu weheliyay  guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullahi Cumar Abshirow.
Kullankan u dhexeeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Xildhibaanada ka soo jeeda Koonfur galbeed iyo Jubbaland ayaa waxaa looga hadlay labo qodob oo kala ah qodobo dhowr ah iyo xaaladda adag ee Abaaraha ka jira dalka iyo in isku xinaanta xildhibaannada heer federal iyo heer dowlad goboleed  iyo in loo midoobo howlaha Baarlamaanka ee loo idmaday golaha.
Ugu dambeyn guddoomiyaha madoobe ayaa guddi ka kooban shan xubnood u xil saaray in ay ka shaqeeyaan sidii wax loogu qaban lahaa gurmadka Abaaraha, taas oo dadka iyo duunyada saameyn ku yeelatay, guddoomiyaha ayaa xildhibaannada ugu baaqay in ay qaataan doorkooda ayna la shaqeeyaan guddiga uu magacaabay guddoomiyaha golaha Shiikh Aadan Madoobe .
Goobjoog News