U bood dhigaalka

Guddoomiye Abshir Axmad Oo Soo Xeray Koobkii Degmooyinka Galmudug

Sheeko:Cayaaraha

Degmada Gaalkacyo ee Galmudug waxaa lagu soo gunaanaday koobkii degmooyinka Galmudug, kaasoo ay soo agaasintay wasaaradda ciyaaraha iyo dhallinyarada iyo xiriirka kubbadda cagta ee dowlad goboleedka Galmudug.

Ciyaartii ugu dambeeysay waxaa wada ciyaaray degmooyinka Gaalkacyo iyo Balanbale waxayna ciyaarta ku dhammaatay barbaro, balse gool ku laadyo waxaa koobka ku qaatay wiilasha marti geliyay ee Gaalkacyo.

Waxaa kulankii fiinaalka ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee aqalka sare mudane Abshir Maxamed Axmed, madaxweyne ku Xigeynka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo Macalinka xulka qaranka 20-jirada Maxamed Cabdulle Farayare,taliyihii hore Ciidanka xooga Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) iyo sidoo kale boqaal shacab ah oo kala taageerayay labada degmo ee kama dambeysta wada dheelay.

Senator Abshir Axmed oo goobta ka hadley ayaa bogaadiyay cayaaraha kusoo idlaaday Galmudug,  wuxuuna dhiiri-geliyey ciyaartooydii ka qeyb gashay iyo dadkii sida wanaagsan usoo qaban-qaabiyay.

Guddoomiye Abshir Axmed, waxaa uu ka hadlay in loo baahanyahay in sanadka kasta tartamo kala duwan loo qabto xirfadlyaasha ku dhaqan goobta isaga laga soo doortay si ay ula falgaan magaalooyinka kale ee dalka kuwaas oo iminka ay ka socdaan dhismayaal garoomo iyo ciyaaro badan.

“Tani waa ifafaalo wanaagsan oo ku aadan hafanka bulshada iyo maamulka ciyaaraha Galmudug si ay ula tartamaan maamulada kale ee dalka ka jira kuwaas oo inta badan qaban qaabiya tartamo kala duwan halkan wixii lagu arkay maalihii lasoo dhaafay waxa ay astaan u yihiin guulaha xiga ee degaanka” waxaa sidaas Goobjoog News u sheegay Dr. Mahad Caabi Ciise oo ka mid ah dhalinyarada Gaalkacyo.

Dhinaca kale guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Galmudug Cabdi Fitaax Cabdullahi Warsame – Koolis oo goobta ka hadley wuxuu yiri “Sida ay waxa noogu soo dhammaadeyn waa 100%, waxaan u mahad celinaynaa shaqsi kasta oo ka qeyb qaatay tartankii degmooyinka Galmudug 2018,  waana taariikh lama iloobaan ah oo aan xasuusandoono sanadaha soo aadan u jeedkan waa in sanadkan is badal kusoo bandhigno tartanka Maamul-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir”.

Goobjoog News