U bood dhigaalka

Guddoomiye Abshir Axmed iyo Xildhibaanno Labada Aqal ee BF oo Gaarey Cadaado

Sheeko:Dalka

Waxaa magaalada Cadaado ee xarunta u ah baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug goordhow gaarey wafdi ballaaran oo ka socda dowladda federaalka iyo xubno kale oo dowlad goboleedyada ah.

Wafdiga waxaa horkacaya guddoomiye ku-xigeenka 1-aaad ee golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah mudane Abshir Maxamed Axmed, waxaa ka mid ah Xildhibaannada golaha shacabka ee kala ah: mudane Cabdiraxmaan Odowaa iyo mudane Saabir Shuuriye.

Xubnahan oo ah ku matalada, deegaan doorashadooduna tahay Galgaduud iyo guud ahaan Galmudug ayaa si fiican loogu soo dhoweeyey magaalada, kadibna waxaa la dejiyey guriga martida.

Ujeedka safarka wafdigan ayaa lagu sheegay iney u kuurgalaan xaaladda Galmudug, ka qeyb qaataan wadatashiyada socda ee go’aanka looga gaarayo halka ay u socoto Galmudug.

Xildhibaannada gaarey Cadaado waxaa ay in badan ka digeen faragelinta ay dowladda federaalka ah ku heyso deegaankooda iyaga oo soo-jeediyey in reer Galmudug loo daayo aayahooda, la dhowro xeerarka, heshiiska federalism-ka iyo awoodaha dastuuriga ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ay kala leeyihiin.

Waxaa kale oo la sheegayaa in ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka ah Xasan Kheyre uu gaaray Dhuusamareeb.

Goobjoog News