U bood dhigaalka

Guddoomiye Abshir Axmed Oo Ku Baaqay In Xayiraadda Duulimaadka Laga Qaado Jubbaland

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha Ku xigeenka koowaad ee golaha aqalka sare Senator Abshir Maxamed Axmed oo maanta khudbad ka jeediyay xiritaanka shirka nabadda iyo dib u heshiisiinta magaalada Hobyo ee gobalka Mudug ayaa sheegay in muhiim ay tahay in dadka Galmudug awoodoa iskugu geeyaan sidii loo dhisi lahaa dekadda Hobyo.

Guddoomiye Abshir ayaana xusay in muhiimad weyn u leedahay dhismaha dekedda Hobyo dadka degan magaalada iyo guud ahaan deegaanada Galmudug, waxaana uu yiri” Dekedda Hobyo waxaa ay u tahay muhiim dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo hormarka deegaanada Galmudug, waxaana is badali doona qiimaha nolosha deegaanka , waxaan abuurmi doona shaqooyin fara badan, kuwaas oo ka qeyb qaadan doona yareynta shaqa la’aanta baahsan ee aqoonyahanka iyo muruq maalka deegaankan ku nool, horumar dhaqaale ee maanta ka muuqda deegaanada dariska la ah Galmudug waxaa sabab u ah dekedaha ku yaala oo la hirgaliyay, mudanayaal iyo marwooyin waxaan ugu baaqayaa mas’uuliyiina Galmudug, ganasatada iyo dadka kale ee deegaanka ah in ay ka faa’ideystaan fursatdaha maanta taagan oo ay ka mid tahay in dadka deegaanadaan ay u heelan yihiin sidii loo abuuri lahaa loona hirgalin lahaa dhismaha degedda Hobyo”.

Sidoo kale guddoomiye Abashir Maxamed oo hadalkiisa siiwato ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in kaalinta kaga aadan ay ka qaadato dhismaha lagu hirgalinayo dekedda magaalo xeebeedka Hobyo. waxaana uu yiri” waxaan ugu baaqayaa dowladda federaalka in ay ka qaadato kaalinta kaga aadan hirgalinta dhismaha dekedda Hobyo iyo dib u yagleelidda Galmudugta cusub ee maanta loo fadhiyo”.

Dhanka kale guddoomiye Abshir Maxamed Axmed, ayaa dowladda federaalka ugu baaqay in xayiraadda dhanka duulimaadka ah laga qaado dowlad gobaleedka Jubbaland isaga oo xusay in wixii khilaaf ah lagu dhameeyo liiska wada hadalka waxaana uu yiri” Sidoo kale aniga oo ka faa’ideysanaya fursaddaan waxaan ugu baaqayaa dowladda federaalka in ay xayiraadda duulimaadka ka qaado dowlad gobaleedka Jubbaland, iyadoo wax allaala wixii khilaaf ah lagu xalinayo wada hadal iyo wada xaajood isla markaasna laga fogaado talaabo kasta oo ku noqon karta caqabad nolosha dadka dagan deegaankaas Jubbaland”.

Ugu danbeyn guddoomiye Abshir Maxamed Axmed, ayaa ugu baaqay wax garadka dhamaan ka soo qeyb galayaasha shirka in loo iska si ku doobnaasho iyo walalnimo ay ku jirito dismaha dowlagobaleedka Galamud waxaana kadalkiisa ka mid ahaa “ Waxaan ugu baaqayaa waxgardka deegaanadaan Galmudug in ay dadaalkii halkoodii ka sii wadaan ayagoo is ka kaa shanaya dhismaha dowlad gobaleedka marxaladdiisa labaad, isla markaasna uwada dhaqaaqaya si ay ku jirto midnimo uwada guntanaya hormarka dhammaan deegaanada Galmudug, guusha shirkaan waxaa lagu qiimeyn doonaa sida loo hir galiyo qodabadii lagu heshiiyay iyo sida ay ugu qanciyaan beelaha kale ee walaalahood ah xoojinta nabada iyo kuwada noolaansha nabad dhammaan meel kasta oo Soomaaliya ay joogto”.
Goobjoog News