U bood dhigaalka

Guddoomiye Abshir: Hannaanka Qaadashada Shaqada Dowladda

Sheeko:Baarlamaanka

Shaqaalaha Dowladda waxaa lagu qaadan karaa oo keli ah hab tartan ah oo waafaqsan Sharciga Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda; Sharciga Shaqada 1972 (Labour Code) iyo mabaadii’da guud ee #Dastuurka KMG ah.

Sidoo kale in shaqo bannaan la xayeysiiyo & in qofka lagu xiro shahaado jaamacad waa arrin waafaqsan Sharciga Shaqaalaha Rayidka, Sharciga Shaqada iyo mabaadii’da guud ee Dastuurka KMG (Eeg Qod.3aad ee Xeerka Shaqada, Qoddobada 5aad, 9aad, 10aad, 11aad & 12aad ee Sharciga Shaqaalaha Rayidka & Qod.118aad ee Dastuurka KMG ah).

Balse Sharcigu ma ogola in gabar & wiil midna lagu xiro da’. Maxaa yeelay taas waxa ay ka hor imaanaysa Qod.5aad & Qod.9aad ee Xeerka Shaqaalaha Rayidka oo xeerinaya in qof kasta oo haysta shahaado jaamacadeed uu la tartamayo dadka dhiggiisa ah ee u soo tartamay isla jagadaas.

Qod.3aad ee Sharciga Shaqada 1972 wuxuu farayaa in qof kasta uu helo fursad loo siman yahay iyada oo aan cidna la takoorin. Da’na laguma xiri karo shaqaalaha rayidka oo aan ka ahayd da’da qaangaarka(18). Eeg Qod. 5aad(2) ee Sharciga Shaqaalaha Rayidka & Qod. 29aad(8) ee Dastuurka KMG ah.

Sharcigu ma ogola in astaamo jireed (dherer, qurux iwm) lagu faquuqo muwaadin gaar ah, taas oo ka hor-imaanaysa u-sinnaanta fursada shaqada. Eeg Qod.11aad (3) & Qod.118aad (5) ee Dastuurka, Qod.3aad ee Sharciga Shaqada 1972, & Qoddobada 5aad, 9aad, 10aad, 11aad & 12aad ee Sharciga Shaqaalaha Rayidka.

Sidaas darteed, Hay’adaha Dowladda waa in ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara faquuq iyo kala sooc lagu sameeyo qaar ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed marka ay qaadanayaan shaqaale cusub isla markaasna waa in ay maraan habraaca sharci ee shaqo qorista.

W/Q: Senator Abshir Maxamed Axmed, Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka sare ee BFS.

Goobjoog News