U bood dhigaalka

Guddoomiye Abshir oo Ka Tacsiyeeyey Geeridii Ku Timid Cumar Cabdulle Shooli

Sheeko:Amniga

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Senoter Abshir Maxamed Axmed ayaa ka tacsiyeeye geeridii ku timid Allaah u naxariistee  fanaankii caanka ahaa ee Cumar Shooli oo habeenimadii xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho oo muddooyikii dambe ku xanuunsanaa.

Guddoomiyaha oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Facbooka ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay uga tacsiyeey geerida ku timid fanaanka isaga oo Allah uga baryey inuu naxariistiisa siiyo guddoomiyaha ayaa yiri.

“Waxaan #TACSI tiiraanyo leh u dirayaa qoyska iyo eheladii hoobalkii weynaa #CumarCabdulleShooli oo caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Waxaan Eebe uga barayayaa marxuum Cumar Shooli in uu dembi dhaaf ballaaran siiyo, jannadiina ka waraabiyo. Aamiin.

Marxuum Cumar Shooli waxa uu ahaa hoobal xusuus lama ilaawaan ah ku reebay ummada Soomaaliyeed gaar ahaan ardayda kuwaas oo ku xusuusta fannaanka heestii KEDIS oo lagu daahfuri jirey tartan aqooneedkii Kedis ee subaxa Jumcaha lagu qaban jirey Golaha murtida & madadaalada.

Hobaladii Soomaaliyeed gabal ayaa u dumay. Dhowr maalmood ka hor waxaa iilka loo qaaday boqorkii kabanka isla markaasna ahaa fannaan curiye ah AUN Axmad Ismaaciil (Xudeydi), caawana waxaan la tiiraanyeysanahay geeridii hobalkii Cumar Shoole. Eebow janneey. Aamiin”‘.

Allah u naxariistee Marxuum Cumar Cabulle ayaa habeenimadii xalay ku geeriyooday Isbiyaalka Aadan Cadde fanaanka ayaana labadii bilood ee tahgay ku xanuunsanaa isbitaalka oo lagu baxnaaninaayey xaaladdiisa caafimaad.

Goobjoog News