U bood dhigaalka

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo Qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud Ee QM

Sheeko:Dalka
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ku-xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Marwo Kiki Gbehu.

Guddoomiyaha iyo  ku xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka wadahadleen sidii loo adkeyn lahaa  taageerada Qaramada Midoobay ay siiso Soomaaliya iyo arrimo kale, kuwaas oo quseeya xaaladaha guud ee dalka.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay xaaladda Abaaraha dalka ka jira iyo sidii hey’adaha Qaramada Midoobay uga qeyb qaadan lahaayeen sidii loogu gurman lahaa dadka saameysay dalka, iyadoo laga cabsi qabo  heer macluul ah, sida ay tilmaamayaan warbixinnada laga qorayo xaaladaha abaaraha ee ka jira Soomaaliya.

Kulanka dhex maray guddoomiyaha aqalka sare Senator Cabdi Xaashi  iyo ku-xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Marwo Kiki Gbehu ayaa kusoo aadaya xilli dalka ay ka jirto abaar baahsan oo dadka saameysay iyo duunyada intaba dowladda qeybaheeda kale duwan ayaa wada dadaalka ku aadan gurmadka abaaraha .

Goobjoog News